Xafiiska Dakhliga DDS Munaasabad lagu abaalmarinayay canshuur bixiyayaasha hormuudka ah ee Deegaanka Soomaalida ayaa ka qabsoontay madasha kulamada ee Garaad Maxamed Dool Munaasibadda abaalmarintani oo ka qabsoontay madasha kulamada ee Garaad Maxammed Dool uuna soo diyaariyay Xafiiska Dakhliga DDS ayaa waxaa kasoo qayb'galay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Wasaaradda Dakhliga JDFI, marwo Aynalem Nigussie, Kuxigeenka Wakaaladda jIbriyada Dalka, mudane Dabala Qabata, masuuliyiin, canshuur bixiyayaal iyo marti-sharaf kale.
Daahfurka Ol'olaha u hogaansanaanta canshuurta iyo abaalmarinta canshuur bixiyayaasha hormuudka ah oo halku-dheg looga dhigay "Dakhligu waa sharafta Dalka" ayaa abaalmarino kala duwan lagu siiyay canshuur bixiyayaasha kasoo dhalaalay waajibaadkooda ee la yimid daddaalka dheeriga ah si haboona ubixiyay dakhliga canshuurta iyo sida oo kale xarumaha dawladda.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo madashani ka hadlay ayaa canshuur bixiyayaasha hormuudka ah uga mahad-naqay kaalinta ay ka qaateen horumarka deegaankooda iyo sida wanaagsan ee ay uguteen waajibaadkii saarnaa.
Peace Media