Raxmaadka Eebe oo ka da’ay maanta Qaybo ka mida magaalada Hargeysa ayaa geystay khasaare kale duwan.

Ugu horayn ciidanka ayaa u gurmaday Deyr ku yaala agagaarka Cisbitaalka International, halkaas oo affar qof deyr ku soo dumay, waxaana dhaawac soo gaadhay laba qof. Ciidanka ayaa dhaawacii gaadhsiiyay
Hargeysa International Hospital.

Laagta ku taala dugsiga Maxamuud Axmed Cali ayaa iyadana ciidamadu ka soo badbaadiyeen bas ay saarnaayeen 15 Qof.Dhanka kale ciidamada ayaa soo badbaadiyay affar Caruura iyo laba gaadhi oo kala ahaa Bas iyo Xaajiyad ayaa ciidamadu ka soo badbaadiyeen.

Degmada 26 June ayaa ciidamadu iyaguna ka soo badbaadiyeen Gaadhi nooca yar yar ah.

Dhanka kale ciidamada ayaa damiyay dab ka kacay guri Jiingada iyo haanta cuntada gaasta oo dab ka kacay.

Roobabkan ayaa badankoodu ka da’ay degmada Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Ugu dambayn ciidanku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada ku nool guud ahaan Somaliland inaanay naftooda halis galin, isla markaana ka taxadaraan goobaha Dooxyada, Balliyada iyo biyo mareenada.
#SOMEEOFFICIAL
Raxmaadka Eebe oo ka da’ay maanta Qaybo ka mida magaalada Hargeysa ayaa geystay khasaare kale duwan. Ugu horayn ciidanka ayaa u gurmaday Deyr ku yaala agagaarka Cisbitaalka International, halkaas oo affar qof deyr ku soo dumay, waxaana dhaawac soo gaadhay laba qof. Ciidanka ayaa dhaawacii gaadhsiiyay Hargeysa International Hospital. Laagta ku taala dugsiga Maxamuud Axmed Cali ayaa iyadana ciidamadu ka soo badbaadiyeen bas ay saarnaayeen 15 Qof.Dhanka kale ciidamada ayaa soo badbaadiyay affar Caruura iyo laba gaadhi oo kala ahaa Bas iyo Xaajiyad ayaa ciidamadu ka soo badbaadiyeen. Degmada 26 June ayaa ciidamadu iyaguna ka soo badbaadiyeen Gaadhi nooca yar yar ah. Dhanka kale ciidamada ayaa damiyay dab ka kacay guri Jiingada iyo haanta cuntada gaasta oo dab ka kacay. Roobabkan ayaa badankoodu ka da’ay degmada Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Ugu dambayn ciidanku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada ku nool guud ahaan Somaliland inaanay naftooda halis galin, isla markaana ka taxadaraan goobaha Dooxyada, Balliyada iyo biyo mareenada. #SOMEEOFFICIAL
Like
3
0 Comments 0 Shares 790 Views