Puntland oo u jawaabtey, Xasan Shiikh:

"Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey.

Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta.

Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, lagu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana heshiiyo 10 kaan arrimood oo saldhig u ah dhamaystirka Dastuurka iyo dowladnimo waarta oo ku dhisan hanaan Federaali ah.

1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in Dowladda Federaalka difaacdo oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goynta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntland, waana tan maanta ka taagan SSC.

2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi ah iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey.

3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka sida ee dalka.

4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo sida loo wadaagayo khayraadka dalka.

5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Federaaliga ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

6. In laga heshiiyo hanaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkamaduhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwadaha ay galayaan.

7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo sida maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan.

8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noqoneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka.

9. In laga heshiiyo maqaamkay yeelaneyso caasimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo

10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeerarka dalka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Federaalka ah."

Maxamed Cabdiwahaab
Wasiirka Caddaaladda Puntland.
Puntland oo u jawaabtey, Xasan Shiikh: "Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey. Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta. Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, lagu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana heshiiyo 10 kaan arrimood oo saldhig u ah dhamaystirka Dastuurka iyo dowladnimo waarta oo ku dhisan hanaan Federaali ah. 1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in Dowladda Federaalka difaacdo oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goynta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntland, waana tan maanta ka taagan SSC. 2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi ah iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey. 3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka sida ee dalka. 4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo sida loo wadaagayo khayraadka dalka. 5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Federaaliga ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka. 6. In laga heshiiyo hanaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkamaduhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwadaha ay galayaan. 7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo sida maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan. 8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noqoneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka. 9. In laga heshiiyo maqaamkay yeelaneyso caasimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo 10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeerarka dalka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Federaalka ah." Maxamed Cabdiwahaab Wasiirka Caddaaladda Puntland.
Like
4
0 Comments 0 Shares 1503 Views