Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayay Wasiirka Difaaca Dalka Dr. Abraham Belay oo loo xilsaaray dabagalka mid ka mid ah mashaariicda dhanka dalxiiska ee uu Raysal wasaaraha Dalku ka hirgalinayo Deegaannada Dalka qaarkood ayaa isla soo cayimay goobta ugu haboon ee laga dhisi doono goob dalxiis oo casri ah. Wafdiga ayaa loo asteeyay buuraha quruxda badan ee ku yaala agagaarka xarunta degmadda Shabeellay. Mashruucan “Shabeellay Resort” oo ilaa iyo 2 billion oo Birr lagu maal-galin doono waxaa 1 billion oo kamid ah bixinaya Xafiiska Raysal wasaaraha oo lacagta ku soo uruuriyay barnaamijyadii lacag uruurinta ahaa ee uu sameeyay. Mashruuca ayaa ka koobnaan doona xarun dalxiis oo leh huteello casri ah, goobo dhaqan, iyo biyo-xidheen casri ah oo loo dalxiis tago.

Like
3
0 Comments 0 Shares 870 Views